Sabti 01, Feb 2025 {HMC} Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin ku eedeysan inuu doonayay in walxa qarax uu galiyo magaaladaas.
Ninkaan ciidamadu gacanta ku dhigeen ayaa magaciisa lagu sheegay Abukar Ileey, isagoo siday Tarmuusyada Shaaha oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Sarakaal ka tirsan ciidanka ee ku sugan degmada Xarardheere ayaa Warbaahinta u sheegay in ninkaan hada ka hor si damiin ah looga sii daayay xabsiga, islamarkaana agabka uu siday ee Tarmuusyada markii la baaray lagu arkay qaraxyo lagu soo qariyay.
Wuxuu sidoo kale sheegay sarkaalka in hada baaritaanno dheeraad ah ku hayaan ninkan loo soo dhiibay qaraxyadaan la doonayay in lagu dhibaateeyo reer Xarardheere, islamarkaana ay horkeeni doonaan cadaalada.
Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga xureeyay degmada Xarardheere marar badan isku dayday iney dib ula wareegto gacan ku heynta degmadaas oo ah degmo istaraatiiji ah.