Sabti 01, Feb 2025 {HMC} Mareykanka wuxuu adeegsaday diyaaradaha dagaal ee F-18 Super Hornet oo ka duulay markabka ciidanka Mareykanka ee awoodda inuu xambaaro bambooyinka nukliyeerka iyo diyaaradaha dagaal ee USS Harry S. Truman, inta uu socday weerarkii uu Trump sheegay inay ku beegsadeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya.
Sida uu baahiyay taliska Mareykanka ee Afrika, weerarka waxaa lala kaashaday dawladda Federaalka Soomaaliya , iyadoo si ka duwan weerarradii u dambeeyay ee Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya oo loo adeegsan jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la arkayo inuu Mareykanka hadda diyaaradaha xambaara bambooyinka culus ku weerarray buuraha gobolka Bari ee Puntland , halkaa oo uu ka socdo duullaan ka dhan ah Daacish oo ah goobta ay hoggaamiyayaasha kooxdan kaga suganyihiin Soomaaliya.
Taliska Marekanka ee Afrika waxaa ay xaqiijiyeen inay soo bandhigi doonaan macluumaad ku saabsan weerarkan, oo sida laga arkayo diyaaradaha haamaha badan ee shidaal ee ku xiran, weerarka wuxuu ahaa mid ay bartilmaameedyada ku noq noqdeen diyaaradaha ama waxaa la beegsaday goobo kale duwan.
Si cad , waxaa la beegsaday xubno muhiim ah, marka la tixraaco shaacinta Trump oo u muuqda si dhow inuu ula socday xilliga weerarka uu socday illaa diyaaradaha weerarka loo adeegsaday,tan oo ay dheertahay warbaahinta maxalliga inay ka soo xigatay dadka deegaannada ku dhow buuraleyda Calmiskaad ee Puntland inay maqleen gelinkii dambe ee maanta dhawaqa qaraxyo culus.