Sabti 01 Feb , 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka codsaday Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, in aanu ciidamadiisa kala bixin Soomaaliya.
Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay The Washington Post, ayaa sheegay in taageerada Maraykanku ay muhiim u tahay la dagaallanka Al-Shabaab. Sidaas darteed, wuxuu codsaday in ciidamada Maraykanku ay sii joogaan Soomaaliya.
“Waxaan ka codsaneynaa Madaxweyne Trump inuusan kala bixin la-taliyeyaasha iyo khubarada Maraykanka ee gacan ka geysanaya tababarka ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya. Runtii, waxaan dalbaneynaa in Mareykanku kordhiyo tiradooda si aan u cirib-tirno Al-Shabaab inta uu Madaxweyne Trump xilka hayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu xusay in ciidamada Soomaaliya ay Al-Shabaab dagaal kula jireen muddo 18 sano ah, isla markaana horumar badan laga sameeyay. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda Maraykanku sannad kasta Soomaaliya siiso taageero milateri iyo gargaarka bini’aadantinimo oo gaaraya $1 bilyan.
Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray in labadii sano ee u dambeeyay ay ciidamada dowladda dagaal joogto ah kula jireen Al-Shabaab, ayna la wareegeen boqollaal kilomitir oo ay hore ugu sugnaayeen kooxdaasi. Si kastaba ha ahaatee, maadaama oo awooda ciidamada Soomaaliya ay xaddidantahay, wuxuu sheegay in ay haatan dareemayaan daal.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sharaxay in Maraykanku uu Soomaaliya ka caawiyo xogaha sirdoonka iyo duqeymaha cirka, balse aysan jirin askar Maraykan ah oo dhulka kula dagaallamaya Al-Shabaab.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in taageerada Maraykanku lagama maarmaan u tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama kooxdan xag-jirka ahi aysan khatar ku ahayn Soomaaliya oo keliya, balse ay halis ku tahay guud ahaan gobolka iyo caalamka.
Madaxweynaha cusub ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa hakiyay taageeradii uu siin jiray dalalka caalamka. Waxa kale oo laga cabsi qabaa inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.