spot_imgspot_imgspot_img

Madaxwayne Xasan Sheikh oo ka hadlay waxa ay ka filayaan Trump iyo Aqoonsiga Soomaaliland.

Sabti 01 Feb , 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale adkeeyey sida uu uga go’an yahay ciribtirka Al-Shabab, isaga oo carrabka ku adkeeyey guulaha laga gaaray dhinaca milatariga, kaalinta taageerada Mareykanka, iyo muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay ammaanka gobolka iyo caalamka.

Ciidamada Soomaaliya ayaa dagaal kula jiray Al-Shabab ku dhawaad labaatan sano. Inkasta oo kooxdaasi weli firfircoon tahay, Xasan Sheekh wuxuu xusay in ciidamada dowladda ay dib u xoreeyeen dhul ballaaran.

“Waxaan si weyn u wiiqnay awooddooda. Ciidamadeennu waxay guul ka gaareen howlgallada. Maanta, waxaan gacanta ku haynaa boqolaal kiiloomitir oo ay Al-Shabaab maamulayeen sanado badan,” ayuu Xasan Sheekh u sheegay The Washington Post.

Si kastaba ha ahaatee, caqabado ayaa weli taagan. “Kadib laba sano oo dagaal aan kala go’ lahayn, ciidamadeennu way daaleen. Laakiin waxaan dib isu abaabulaynaa, waana billaabaynaa olole cusub,” ayuu raaciyey.

Doorka Mareykanka iyo muhiimaddiisa istiraatiijiyadeed
Mareykanka ayaa door muhiim ah ka ciyaaray howlgallada la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya, isaga oo bixiya sirdoon, taageero dhanka saadka ah, kormeer cirka ah, iyo mararka qaar duqeymo ka hortag ah.

“Mareykanka waa xulafadeenna istiraatiijiga ah. Waxay naga caawiyaan helitaanka xogaha sirdoonka, taageerada saadka, kormeerka cirka, mararka qaarna waxay fashiliyaan weerarrada Al-Shabaab,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Wuxuu sidoo kale caddeeyey in askarta Mareykanka aysan ka qeyb qaadan dagaalka dhulka.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu carrabka ku adkeeyey in xasilloonida Soomaaliya ay dani ugu jirto beesha caalamka. “Al-Shabab waa laan ka tirsan Al-Qaeda, waxayna leeyihiin yoolal caalami ah. Dagaalkeenna wuxuu xakameynayaa ballaarinta shabakaddooda Yurub iyo Mareykanka,” ayuu yiri.

“Taageerada Mareykanka waxay ka hortageysaa in kooxdan dib u hesho awood ay ku weerarto meel ka baxsan Soomaaliya.”

Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale ka digay saameynta amni-darrada gobolka, gaar ahaan khatarta ay ku hayso ganacsiga caalamiga ah. “Soomaaliya oo nabdoon waxay muhiim u tahay sugnaanta marinnada ganacsiga caalamiga ah,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya marin-badeedka istiraatiijiga ah ee xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xusay walaaca sii kordhaya ee la xiriira fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iraan taageerto, isaga oo sheegay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. “Waxay is dhaafsadaan hub iyo tababar,” ayuu Xasan Sheekh ku eedeeyey.

Mugdiga ka jira siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, wuxuu muddadii uu xilka hayey ee horey kala baxay ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, go’aankaas oo dib loogu laabtay markii Madaxweyne Joe Biden uu xukunka qabtay.

Xasan Sheekh wuxuu muujiyey walaac ku saabsan suurtagalnimada in Trump dib u qaado go’aankaas haddii uu mar kale xilka qabto.

“Waxaan ka codsaneynaa Madaxweyne Trump inuusan dib ula bixin la-taliye-yaasha iyo khubarada Mareykanka ee tababara ciidamadeenna gaarka ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh. “Xaqiiqdii, waxaan codsaneynaa in la kordhiyo tiradooda si aan Al-Shabaab u ciribtirno.”

Markii la weydiiyey haddii Soomaaliya ay la dagaallami karto argagixisada iyada oo aan taageero ka helin Mareykanka, Xasan Sheekh wuxuu hoosta ka xarriiqay in dagaalka Soomaaliya uu ka duwan yahay colaadaha kale sida midka Ukraine.

“Ukraine waa dagaal u dhexeeya laba dal. La dagaallanka kooxaha argagixisada waa arrin kale. Waxaan u baahanahay taageero,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu qiray in sawirka caalamiga ah ee Soomaaliya weli saameyn ku leeyahay khilaafaadkii hore. “Mareykanku waxay Soomaaliya ka garanayaan filimada Black Hawk Down iyo Captain Phillips, kuwaas oo muujinaya kaliya dhibaato iyo khatar. Laakiin Soomaaliya maanta ma aha sidii hore,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh wuxuu sawir ka bixiyey mustaqbal ay Soomaaliya ka xorowday Al-Shabaab, una noqotay xulafo la isku halleyn karo oo Mareykanka ah. “Waxaan rabnaa Soomaaliya xasilloon, dimuqraadi ah, oo Mareykanka la leh iskaashi dhow,” ayuu ku soo gabagabeeyey.

WARARKA