Sabti 01 Feb , 2025 {HMC} Xaaladda Bariga Dhexe ayaa si tartiib-tartiib ah dib ugu soo laabaneysa xasiloonidii ka jirtay wixii ka horreeyay horraantii Oktoobar 2023 kaddib markii Israa’iil ay awoodi weysay in ay si qasab ah kusoo furato Maxaabiistii Xamaas kasoo afduubatay 7dii Bishaas.
Masar oo in muddo ah hor taagnayd in ay furto Marinka Rafax sabab la xiriirta cadaadiska Israa’iil iyo dalalka xulufada la ah ay saareen darteed ayaa ugu dambeyn dib u furtay waxaana laga gudbiyay dhaawacyo Falastiiniyiin ah oo daryeel u baahan.
Lama sheegin dadka dhaawacmay tiradooda, goorta ay waxyeellada soo gaartay iyo muddada ay sii joogayaan goobta haatan lagu daweynayo, Xukuumadda Qaahira ayaa dhowr jeer lagu cadaadiyay in ay furto marinkaan si loo daweeyo balse ma suuragelin.
Guddoomiyaha Waqooyiga Siinaa Khaalid Majaawar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Xiriirka Bulshada ku sheegay in marinka Rafax la furay laga gudbiyay dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray si ay u helaan daryeelka ay u baahan yihiin.
“Maalmo kahor waxa aan Warbaahinta u sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dib loogu furi doonno Marinka Rafax si loo gudbiyo Dad dhaawac ah, waan furnay waxaana qaabilsan bukaanno daryeel Caafimaad u baahan” Khaalid Majaawar, Guddoomiyaha Waqooyiga Siinaa.
Waddamada ka fog Falastiin ayaa garab istaag u muujiyay halka kuwa u dhow ee xadka la wadaago ay si toos ah u fuliyeen amarka dhinaca Israa’iil ee ah in aanay loo gurman lagana dhiidhin gummaadka ay u geysteen ciidanka Yuhuud.