Sabti 01 Feb , 2025 {HMC} Cali Jeyte Cismaan Ergayga Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha ciidamada difaaca deegaanka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalo culus oo ka dhacay maalmahii lasoo dhaafay gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte Cismaan ayaa guulo waa weyn ka sheegtay dagaalo qaraar oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaano u dhaxeeya Beera yabaal iyo Jiciboow oo hoostaga degmada Buula burte.
U qeybsaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee arimaha ciidanka Macawiisleeyda ayaa sidoo sheegay dagaalkii ugu dambeey ee Shalay dhacay iney ku dileen Ajaaniib badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab iyo maleeshiyaad kale, islamarkaana ay ka xoreeyeen kooxda deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shabeelle.
“Ajaanib ayaa ku dhimatay dagaalka, welina kuwaa ku jira buuraha, waan la yaabnay, anigaan oo deegaanka u dhashay kuma noolaa karo halkaan keymaha ah, kuwo kale oo deegaankaan aan u dhalan ayaan ku dilnay dagaalka, inta hartana waa laga sifeynayaa, ma aqbali doono in Ajinabi aan dalkan u dhalan inuu dadkeena ku yaalo dalkeena” ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.
Jeyte ayaa sidoo kale tilmaamay in dalkaan aysan marnaba nabad ka dhacayn inta Al-shabaab ku sugan yihiin meelo ka mid ah dalka, islamarkaana loo baahan yahay in laga xureeyo kooxda guud ahaan dalka.
“Dadka shacabka ah waxaan leeyahay musiibo hadii ay timaado waa la iska kaashadaa ee halkaan musiibaa taalee hala iska kaashado, inta Soomaaliya meel ka mid ah joogaan nimankaan Khawaarijta ah nabad lama heli doono dalkana ma degi doonto” ayuu yiri Cali Jeyte.
Hoggaamiyaha Ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale wacad ku maray in Al-shabaab ay dhadhamin doonaan xanuunka ay u geysteen dad badan oo aan waxaba ka galabsan.
“Al-shabaan waxaan leeyahay laba orod ee ah soo orod iyo sii orad mid daaya oo dagaalama cararka iska dhaafa, anaga dadka aad naga dishaan uma tacsiyeeyno ee waan u aarna waana balan dadkii nagala dilay waan u aareyna” ayuu yiri Cali Jeyte.
Hadalkaan kasoo yeeray Ergayga Madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha difaaca ciidamada deegaanka ee Macawiisleeyda Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Halgan iyo Buula burte ay ka socdaan dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dagaalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.