spot_imgspot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka ka socdo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Jimco 31 Jan , 2025 {HMC}ย Dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda iyo Al-shabaab maanta dib uga qarxay deegaanka lagu magacaabo Cadow Gureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobilka Hiiraan

inta badan Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Cadow Gureey ayaa la soo sheegaayo inuu yahay mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus.

 

Shalay deegaanada dhaca Jiinka Wabiga Shebeelle, gaar ahaan deegaanka Jicibow uu ka dhacay dagaal qaatay in ka badan 8 saacadood oo xiriir ahaa, kaasoo wali si rasmi ah aanan loo helin khasaraaha ka dhashay, marka laga soo tago in ciidamada is kaashanaya ay la wareegeen deegaankaas.

 

Waxaa aad u adag in si dhab ah loo helo khasaaraha dagaalka socda, maadama meelaha lagu dagaalamayo ay isaga barakaceen qoysaskii xoolo dhaqatada ahaa ee ku noola, islamarkaana isgaarsiinta deegaanadaasi ay tahay mid aanan wanaagsaneen.

 

Dhinaca kala Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa dagaalka ka sheeganaya iney guulo ka gaareen Dagaalka is lamarkaana ay ay al shabaab ka qabsadeen deegaano badan, islamarkaana ay dagaalka ku dileen ilaa sadax sargaal oo hogaaminaayay Dagaalka maal mahan ka socday Gobolka Hiiraan.

WARARKA