spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey ka wada Hadleen Soomaaliya iyo Japan.?

Jimco 31 Jan , 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulan gaar ah kula yaeeshay Xafiiskiisa magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Japan ee Soomaaliya Matsuura Hiroshi.

Labada masuul ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee ku aadan taageerada ay dowlada Japan siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarinta awooda hay’adaha amniga Soomaaliya.

Danjiraha dowladda Japan Matsuura Hiroshi ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay taageerada iyo garab istaaga dadaalada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Danjire Matsuura Hiroshi ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka la taaban karo oo ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Dowladda Japan taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo horumarka.

Dowladda Japan waxay ka mid tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacyada kala duwan ee amniga, dhaqaalaha iyo horrumarinta adeegyada Bulshada.

 

WARARKA