Jimco 31 Jun 2025 {HMC}ย Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa sheegay in dalka ay si sharci darro ah u heystaan Rwanda.
Arintan ayaa timid kadib markii falaagada M23 ee ay Ruwanda taageerto ay qabsadeen bariga magaalada Goma, waxayna ku hanjabeen inay sii wadi doonaan duullaanka caasimada Kinshasa.
Therese Kayikwamba Wagner, ayaa Kigali ku eedaysay in ay isku dayday in ay carqaladeyso nidaamka dowladda
Wagner ayaa sheegtay in beesha caalamka looga baahan yahay inay qaado tillaabo ay kamid tahay cunaqabatayn, si ay gacan uga geysato joojinta colaadda ku sii fideysa gobolka, loona badbaadiyo nolosha dadka.
Afhayeenka xukumadda Rwanda, Yolande Makolo, ayaa difaacday tallaabada ay qaaday, iyadoo sheegtay in ciidamadooda loo daabulay halkaas, si ay uga hortagaan colaadda soo gaarta dhulkooda.