Arbaco 29,Jan,2025 {HMC} Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) oo talada dalka Soomaaliya haaya iyo Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AK Party) oo talada dalka Turkiga haaya ayaa gaaray heshiis Is-afgarad ah, kaas oo ujeedkiisu yahay in labada dhinac ay iska kaashadaan is-waydaarsiga khibradaha iyo waaya aragnimada dhanka shaqada.
Wafdiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee UPD oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cabdiraxman Maxamed Xuseen (Cabdiraxmaan Odowaa), Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud, Xildhibaan Zamzam Maxamed Cumar iyo Agaasimaha guud ee Xafiiska Xaghayaha Guud Cabdullaahi Sheekh Xuseen ayaa booqashadooda Turkiga waxay ugu kuur-galayaan nidaamka maamulka iyo shaqada Xisbiga AK iyo guud ahaan xiriirka labada dal.
Heshiiska labadaan Xisbi ee maanta ka dhacay Ankara ayaa ku soo aadaya iyadoo Soomaaliya looga diyaar garoobayo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ay madaxdooda ku soo xulanayaan.