spot_imgspot_imgspot_img

Duqa Muqdisho oo Ka Hadlay Muhiimada aay leedahay Doorasho Dadweeyne

Talaado  28, Jan 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka shaqeynayo adkeynta amniga Caasimadda si ay ugu dhacdo Doorasho qof iyo cod ah.

Duqa Muqdisho ayaa bogaadiyay Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka iyo Shacabka sida ay isaga kaashadeen sugidda Amniga Magaalada Muqdisho, waxa uu soo jeediyay in lasii kordhiyo howlahaas socda.

Qabsoomidda Doorasho Dadweyne ayuu ku sifeeyay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Shacabka Caasimadda oo helaya metaalad dhab ah kuna dooran karaan wakiillada metalaya si meesha looga saaro magacaabista xubnaha ku yimaada.

Maxamed Amiir, Duqa Muqdisho ayaa markii la magacaabay waxa uu ballanqaaday in uu noqon doonno guddoomiyihii ugu dambeeyay ee Gobolka Banaadir ee Magacaabis ku yimaado kana shaqeyn doonno in wixii hadda ka dambeeya dadku wax doortaan.

WARARKA