Talaado 28, Jan 2025 {HMC} Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa Magaalada Baladweyne Ku soo Gabagabeeysay Tababar Ku saabsan Awood-dhisidda Doorka Warbaahintu ku leedahay wax ka qabashada Takoorka, ama Dadka laga tirada badan yahay iyo kuwa la haybsooco ee ku sugan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Tababarkan oo socda Mudo Labo Maalin ah waxaa ka qeeyb Galay 30-Qof oo iskugu Jiro Wariyaal, Culuma-udiin, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar Kamid ah Bulshada la Heeyb Sooco ee Magaalada Baladweyne ku Nool.
Qaar kamid ah Wariyaasha iyo dadkii kale ee ka qeeyb galay Tababarka ayaa Sheegay in Tababarkan uu Ahmiyad gaar ah u leeyahay Bulshada deegaanka, ayagoona u mahadceliyay Daladda Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA Iyo Xafiiska qaramada midoobay AUSSOM oo ka taageeray Qabashada Tababarkan.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay Tababarkan ku saabsan awood-dhisidda Doorka Warbaahintu ku leedahay wax ka qabashada Takoorka
Xoghayaha Xafiiska Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Cabdi fitaax Maxamed Xuseen oo soo xiray Tababarkan ayaa Sheegay in ka Maamul ahaan ay Bogaadinayaan Tababarka, waxaana uu goobta ka Codsaday in la kordhiyo Wacyigalinta la xariirto Joojinta Takoorka.