spot_imgspot_imgspot_img

Shir xasaasi ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho.

Isniin 27 Jan 2025 {HMC} Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay guddoomiyay shir xasaasi ah oo ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo diiradda lagu saaray amniga caasimada.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada.

Ugu horreyn duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hey’addaha amniga oo la wadaagay qorshahooda amniga iyo natiijada laga gaaray howlgalladii u dambeeyay.

Dhankiisa guddoomiye Amiir oo madasha ka hadlay ayaa boogaadiyay guulaha laga gaaray amniga ay ku naaloonayaan bulshada Gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha amniga iyo maamullada degmooyinka in la sii xoojiyo wada-shaqeynta guud si looga hortago wax weliba oo liddi ku ah amniga daasimada.

Sidoo kale waxaa shirkaan looga hadlay sare u qaadida nadaafada iyo bilicda caasimada, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, si looga sii gaashaanto.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamullada degmooyinka in ay si hufan oo ay ku jirto daacadnimo iyo Alla ka cabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday isla markaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyada shacabka.

Si kastaba, Xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa haatan deggan, waxaana alaaba howlgallo joogto ah ka sameeya ciidamada booliska Soomaaliya iyo kuwa xasilinta caasimada ee Boolis Milataari oo fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha caasimada.

WARARKA