spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo ka laabtay Go,aan uu horay ugu soo rogay Colombia.

Isniin 27 Jan 2025 {HMC} Aqalka Cade ee Mareykanka ayaa goor dhaweyd sheegay in madaxweyne Trump uu ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Axaddii badeecadaha ay Colombia u soo dhoofiso Mareykanka.

Arrintaasi waxay ka danbeysay kaddib marki uu madaxweynaha Colombia Gustavo Pedro diiday, in lava diyaaradood oo millatari oo Mareykanka kasoo qaaday muhaajiriin Colombian ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka.

Gustavo ayaa u sheegay Mareykanka in uu aqbalayo qaadashada muwaadiniintiisa laga soo tarxiilayo Mareykanka, haddii ay dowladda Mareykanka ku keeneyso diyaarad rayid ah, balse uusan aqbaleyn diyaarado millatari, arrintaas oo uu ku sheegay mid sumcad dil ku ah dadkiisa.

Aqalka Cad ayaa hadda sheegay in Colombia ay ogolaatay in muwaadiniinteeda laga keenayo Mareykanka lagu geeyo Colombia diyaarado millatari, iyadoo aanan dib loo dhigeyn.

Colombiya ayaa iyaduna sheegtay in Dowladda Mareykanka ay aqbashay in muwaadiniinta Colombiya ay ula dhaqanto si sharax leh.

WARARKA