Axad 26 Jun 2025 {HMC} Inkasta oo baaritaano dheeriya wali ku socdaan sababa rasmiga ah ee dhalisayin tirada boqolka ka badane ee Hombobarada ah ku soo caaarisay xeebaha Boosaaso hadda wasiirka Kalluumaysiga Puntland ayaa BBC-da u sheegay in khubaradu ay soo jeediyeen inay jirin waxyaabo la faafiyey oo ah inay u dhimatay Sumow badda ah.
“Waxay noo sheegeen inay arrinta sumowgu ama dadka leh Chemicaaal iyo waxbaa baddu lagu shubay sunbaa lagu shabay ba leh inay leeyihiin suurta gal maaha taasi sababtoo ah haddii sumayn jirto noolaha kale oo ka tabar yar oo ka adkaysi yar ayaa xeebta lagu arki lahaa oo mayda oo yaalla oo noocyada kala duwan eoo kalluunada noocyadiisa kala duwan ayaa xeebta lagu arki lahaa kuma aanna arag laguma hayo iyada kaliya ayaana soo baxday” ayuu BBC-da u sheegay wasiirka kalluumaysiga Puntland.
Wasiir Xagaa, wuxuu intaa raaciyey inay jiraan waxyaabo caama oo baddanaa la yiraahdo inay keenaan inay xeebta u soo baxdo Hombobaradu.
“Maadaama ay raxan raxan isu raacdo hoggaamiye ayey leedahay hab dhaqankeeda, haddii hogaamiyahaasi wareero oo xeebta u baxo kuligood hoggaamiyahay raacaan oo banaankay u baxaan waana dhacdooyin dhaca waqtiyada qaarkood, sidoo kale meelaha jabaqdu ku badato ama waxyaabaha baaritaano ha laga samaynayo baddda ama maraakiibta waaweyn ama wuxuun badda laga qabanayo wey wareraan hab socodka ka luma mararkaasna waxaa ku dhaca inay soo caariyaan intaas ayey noo sheegeen” ayuu yiri Xagaa.
Baaritaanada lagu ogaanayo sababta dhalisay in tirada intaa le’eg ee xayawaankan ay hal mar ku soo caaryaan xeebta ayaa wali socota kuwaas oo khubarada cilmiga baddaha iyo shaybaaradu wadaan.
Wasiirka Kalluumaysiga Puntland Cabdirisaaq Cabdillaahi Xagaa, ayaa sidoo kale sheegay inay dadka deggan deegaanada xeebaha ay ugu digayaan inay cunaan noolayaasha badda soo tufto ee an la ogayn sababta.
Homboborada ayaa ah nooc ka mida xayaawanada naasleyda ah ee ku nool baddaha.
Nooca Homboborada ee soo caariday
Waxaa kale oo BBC-da u sheegay wasiir Xagaa in sidoo kale muunado (samples) laga soo qaaday biyhii badda iyo ciida xeebta ee biyuhu soo gaareen si loo hubiyo bal haddii badda ay ku jireen Gaas ama saliid taas oo ay shaybaaristayaashu ka shaqaynayaan.
Wuxuu sheegay in wixii lagu samayn kari waayo gudaha ay la kaashanayaan wadamada dariska ah iyo hay’addaha UN-ka.
Deegaankii ay Hombabaradu ku soo caariday ayuu sheegay inay dowladda hoose ee magaalada Boosaaso iyo wasaaaradda Deegaanku ay ka shaqeeyeen si loo nadiifiyo si aan cuduro kale uga dhalan.
Xigasho BBC