Axad 26, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii uu talada la wareegay maanta ku tegay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in madaxweyne Cirro iyo wafdiga la socdaba ay magaalada Hargeysa maanta ka qaaday diyaarad khaas ah oo ay u soo dirtay dowladda Imaaraatka Carabta.
Dowladda Imaaraatda Carabta ayaa Somaliland ka fulisay mashaariic kale duwan, oo ay ku jirto maalgashi balaaran oo shirkadda DP World ay ka sameysay dekedda magaalada Berbera, oo ay shirkadda DP World gacanta ku hayso.
Heshiis dhexmaray Somaliland iyo DP World 2016 oo soconaya muddo 30 sano ah ayaa shirkadda DP World dekedda Berbera ka siiyay saami dhan 51%, Somaliland-na ay yeellanayso 30% halka 19% ay qaadatay Ethiopia.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo 3 cisho joogi doono Imaaraatka ayaa la filayaa inuu saraakisha Imaaraatka kala hadlo sii ambaqaadidda mashaariicda Imaaraatka ee Somaliland iyo waliba iskaashiga labada dhinac ka dhaxeeya.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa xilka Somaliland qabtay bishii hore kaddib markii uu doorasho uga adkaaday Muuse Biixi Cabdi.
XIGASHO VOA