Axad 26, Jan 2025 {HMC} Maamulka cusub ee Trump ayaa ballanqaaday “taageero aan kala go’ lahayn” oo uu siinayo Israa’iil, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahinta qorshaha maamulkiisa ee ku aaddan siyaasadda Bariga Dhexe.
Trump waxa uu Sabtidii xaqiijiyay inuu faray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka (Pentagon) inay fasaxdo shixnad hub ah oo ka kooban bambooyin culeyskoodu yahay 2,000-lb oo loogu talagalay Israa’iil, taas oo uu hor istaagay Madaxweynihii isaga ka horreeyay, Biden.
“Waan fasaxnay. Maanta ayaan fasaxnay,” ayuu yiri Trump. “Kharashkooda way bixiyeen, muddo dheerna way sugayeen.”
Duqeymaha aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa burbur laxaad leh gaarsiiyay dhulka Falastiin, iyadoo ay burbureen kaabayaashii asaasiga ahaa, waxaana Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in dib-u-dhiska uu qaadan doono sannado badan.
Bishii October, xilligii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada, Trump ayaa sheegay in Gaza oo dagaal uu halakeeyay ay “ka qurux badnaan karto Monaco” haddii “si habboon dib loogu dhiso.”
Wiilka uu soddogga u yahay Trump, isla markaana horey uga soo mid noqday shaqaalaha Aqalka Cad, Jared Kushner, ayaa bishii Febraayo soo jeediyay in Israa’iil ay dadka rayidka ah ka daadgureyso Gaza si looga faa’iideysto fursadaha dhaqaale ee ka jira “dhulka xeebta ku teedsan.”
Dhanka Falastiiniyiinta, isku day kasta oo looga rarayo Gaza wuxuu dib u xusuusin doonaa dhacdooyin murugo leh oo taariikhda ku suntan, kuwaas oo ay Carabtu ugu yeeraan “Nakba” ama masiibo – barakacii ballaarnaa ee Falastiiniyiinta xilligii la dhisayay Israa’iil 75 sano ka hor.
Israa’iil ayaa beenisay inay hayso wax qorshe ah oo ay dadka reer Gaza ugu qasbeyso inay ka baxaan deegaankooda.
Hase yeeshee, qaar ka mid ah xubnaha xag-jirka ah ee ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa si cad u taageeray fikradda ah in dadka reer Gaza ay si ballaaran uga baxaan dhulka Falastiin.
XIGASHO VOA