Saturday 25, Jun 2025 {HMC} Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa lagu weeraray isbitaal ku yaalla gobolka Darfur ee dalka Suudaan, waxaana ku dhintay 30 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan Dalkaas.
Mid ka mid ah isbitaaladii ugu dambeeyay ee ka shaqeeya magaalada El-Fasher ee gobolka Darfur ee dalka Suudaan ayaa waxaa ku dhintay 30 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ilo caafimaad Sabtidii.
Duqeyntii Lagu qaaday cisbitaalka Sacuudiga ee fiidnimadii Jimcaha “waxeey horseeday burburka” dhismaha isbitaalka halkaas oo lagu daweynayay xaaladaha deg degga ah, ilo-wareedka ayaa u sheegay AFP, isagoo codsaday inaan la magacaabin cabsi laga qabo aargoosi.
Ilaa hadda ma cidda kooxda weerarkan u geysatay Isbitaalka dhinacyada ku dagaallamaya Dalka Suudaan.
Tan iyo bishii Abriil 2023, ciidanka Suudaan waxa ay dagaal kula jireen xoogaga taageerada degdega ah, kuwaas oo qabsaday dhammaan gobolka galbeedka ee Darfur.
Waxay tan iyo bishii May go’doomiyeen magaalada El-Fasher ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur, balse kuma aysan suuragelin inay sheegtaan magaaladaas, halkaasoo maleeshiyaad taabacsan ciidamada ay marar badan dib u riixeen.
Sida laga soo xigtay ilo caafimaad, isla dhismahaas waxaa ku dhacay diyaarad aan duuliye lahayn oo RSF ah “dhowr toddobaad ka hor.”
Weerarada ka dhanka ah daryeelka caafimaadka ayaa ku baahay El-Fasher, halkaas oo hay’adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ay sheegtay in bishan Cisbitaalka Sucuudigu yahay “cisbitaalka kaliya ee dadweynaha ee leh awoodda qalliinka ee weli taagan ama shaqeynaayay.”
Dalka oo dhan, ilaa 80% xarumaha daryeelka caafimaadka ayaa lagu qasbay in ay sii wadaan adeega Caafimaadka dadka rayadka ah, sida lagu sheegay tikoob rasmi ah oo la sameeyay.
Dagaalka ka socdo dalka suudaan ayaa waxaa lagu dilay tobanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan 12 milyan oo qof, malaayiin qofna waxa uu qarka u geliyey macaluul baahsan.
Nawaaxiga Ceel-Fasher, macluusha ayaa mar horeba ka dhacday saddex xero oo barakacayaal ah kuwaas oo lagu kala magacaabo Zamzam, Abu Shouk iyo Al-Salam waxaana laga Cabsi qabaa in ay ku fido shan goobood oo kale oo ay ku jirto magaalada lafteeda marka la gaaro bisha May, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.