spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Doowladda oo Hoowlgalo Ka Fuliyay Gobalka Galgaduud

Khamiis , 23,Jan,2025 {HMC}  Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Deegaanka jab xooggana lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa ka dhacay dagmada Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud.

Hawlgalkan oo lagu beegsaday fariisimo iyo goobo AS joogeen magaalada Ceelgaras ayaa waxaa lagu dilay sedex Xubin oo uu ku jiro Horjooge sare oo lagu magacaabo Mirre Cagdheer halka lagu dhaawacay 6-kale oo ay ku jiraan Horjoogihi degmada Ceelgaras oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Salmaan iyo Madaxii Maaliyadda Kooxad AS ee deegaanka Jabriil kaas oo dhaawiciisa loola cararay magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud madaama dhaawiciisa uu ahaa mid adag sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Maxamed Faarax Geedi oo howlgalkaan hoggaaminayey.

Dhawaan ayey ahayd markii howlgal midkaan la mid ah ciidankaan deegaanka ay ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud halkaas oo xarun weyn u ah Kooxda AS.

WARARKA