Khamiis 23, Jun 2025 {HMC} Khubaro ayaa ka digaya in taageerayaasha kooxaha isku haya Itoobiya ay faa’iideysanayaan teknoolojiyad casri ah iyo aqoon-darro dhanka warbaahinta ah, si ay u faafiyaan warar been abuur ah oo kicinaya xanafta u dhaxaysa qowmiyadaha, arrinkaas oo khatar gelinaya in ay qarxaan rabshado hor leh.
Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, lehna 120 milyan oo qof, ayaa waxaa ka jira kala qaybsanaan siyaasadeed oo aad u qotodheer iyo qowmiyado aad u tiro badan oo kala duwan, kuwaas oo sababay colaado gudaha ah oo tobanaan sano socday.
Xaaladdaas ayaa si fudud u sahlaysa faafinta wararka beenta ah ee 36-ka milyan ee qof ee isticmaala baraha bulshada ee Itoobiya. Qeybta hubinta wararka ee wakaaladda wararka AFP, oo loo yaqaan AFP Fact Check ayaa beenisay muuqaallo badan oo la farsameeyay bilihii u dambeeyay.
Muuqaalladaas waxaa ka mid ahaa khudbado si qaldan loo farsameeyay oo uu jeediyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo war been abuur ah oo sheegayay in hoggaamiye jabhadeed uu dhintay.
Workineh Diribsa, oo ah bare ka tirsan Jaamacadda Jimma kana faallooda arrimaha saxaafadda, ayaa sheegay in aqoon la’aanta dhanka warbaahinta ay “sii hurinayso colaadihii horay u jiray, ayna abuurayso caqabado cusub oo xagga bulshada iyo siyaasadda ah.”
Aqoonta dhanka warbaahinta ayaa ah awoodda qofka uu ku fahmi karo, kuna falanqayn karo wararka, muuqaallada ama waxyaabaha kale ee la soo dhigo baraha internetka, si uu si madaxbanaan u go’aamiyo in ay yihiin run ama been abuur.
Farsamaynta muuqaallada oo aad u fududaatay
Inkastoo dagaalkii arxan darrada ahaa ee labada sano ka socday gobolka waqooyiga Tigray uu soo dhammaaday bishii November 2022, haddana waxaa jira colaado kale oo dhowr ah oo ka socda gobollada Amxaarada iyo Oromia oo ay ku lug leeyihiin jabhado hubeysan.
Baaritaannada AFP Fact Check ayaa lagu ogaaday in dhammaan dhinacyada ay faafiyaan warar been abuur ah si ay u kiciyaan xiisadaha, una aflagaadeeyaan kuwa ka soo horjeeda.
Haddii markii hore la beddeli jiray qoraallada qoraalka iyo sawirrada, hadda waxaa jira aalado caqliga macmalka ah ama AI oo si bilaash ah loo heli karo kuwaas oo sahlaya in si fudud loo farsameeyo codka iyo muuqaallada.
Tusaale ahaan, muuqaal laga soo duubay Abiy Axmed sanadkii 2020 oo uu kaga hadlayay dilkii fannaankii caanka ahaa ee Itoobiya, Hachalu Hundessa, ayaa la farsameeyay si loo tuso inuu ka hadlayo madax-goyn naxdin leh oo ka dhacday Oromia bishii November 2024.
Muuqaal kale ayaa lagu baahiyay war been abuur ah oo ku saabsan geerida taliye jabhadeed oo ka tirsan gobolka Amxaarada.
Taageerayaasha dawladda ayaa bishii Luulyo 2024 baahiyay muuqaal lagu adeegsaday cod u muuqday in lagu sameeyay AI, kaas oo si been abuur ah loogu sheegay in hay’adda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ay ugu baaqday beesha caalamka inay Ciidanka Xoreynta Oromada (OLA) u aqoonsato urur argagixiso.
“Waxaa la arkaa khudbado la farsameeyay oo ay jeedinayaan dad caan ah, iyadoo la soo qaadanayo muuqaallo hore oo aan xiriir la lahayn xaaladda hadda jirta, si loogu beddelo ama looga jaro ereyo, looguna isticmaalo si qaldan,” ayuu yiri Terje Skjerdal, oo ah bare Jaamacadeed oo ku takhasusay saxaafadda kana soo jeeda dalka Norway, isla markaana si aad ah u baaray arrimaha warbaahinta Itoobiya.
“Dhinacyada ku dagaallamaya Itoobiya waxay u dagaallamayaan inay maamulaan macluumaadka baraha bulshada, iyagoo adeegsanaya farsamooyin been abuur ah oo aad u casri ah, aqoon darrada dhanka warbaahinta ayaana xaaladda ka sii dartay,” ayuu raaciyay.
‘Kala qaybsanaan aad u xooggan’
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Sanduuqa Horumarinta Raasamaalka ee Qaramada Midoobay sannadkii 2024, aqoon la’aanta dhanka qoraalka, akhriska iyo xisaabta ee dhalinyarada ayaa sii hurinaysa dhibaatadan.
Hase yeeshee, Befekadu Hailu, oo ah hoggaamiye bulsho rayid ah, ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ay tahay “ka-qaybgal la’aanta” warbaahinta maxalliga ah, ha ahaadaan kuwa dawladdu leedahay ama kuwa madaxa-bannaanba.
Soo bixitaanka aaladaha lagu faafiyo wararka beenta ah ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilligii uu Abiy Axmed qabtay talada dalka iyo dagaalkii Tigray, kuwaas oo ahaa arrimo dadweynaha aad ugu kala qaybsameen.
“Isbeddelkii siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay 2018 ka dib, dadweynaha aad ayey ugu kala qaybsan yihiin ujeeddooyin siyaasadeed oo iska soo horjeeda, taasina waxay abuurtay jawi ay kooxaha isku haya ay u adeegsadaan wararka beenta ah si ay u maamulaan sheekooyinka ay faafinayaan,” ayuu yiri Befekadu.
Wuxuu intaas ku daray in kuwa abuura wararka beenta ah ay haystaan dhiirigelin dhaqaale, si ay u kordhiyaan tirada dadka ay gaarayaan iyagoo isticmaalaya waxyaabo kicinaya colaadda.
Skjerdal ayaa sheegay in kor loo qaado aqoonta warbaahinta ay fure u tahay la dagaallanka caadeysiga wararka been abuurka ah iyo kuwa rabshadaha kicinaya.
“Intaa waxaa dheer, dadaallada xaqiijinta xogta, sida aan ku aragnay ururrada madaxbannaan sida AFP, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay, waana in lagu sameeyaa luuqadaha maxalliga ah,” ayuu raaciyay.
AFP ayaa hadda ku shaqeysa 26 luuqadood, iyadoo la kaashanaysa barnaamijka xaqiijinta xogta ee Facebook.
Go’aankii u dambeeyay ee Meta ay ku joojisay xaqiijinta xogta Facebook iyo Instagram ee Maraykanka ayaa dhaliyay cabsi ah in shirkadda teknoolojiyadda ay joojin karto barnaamijyadeeda la shaqeeya dhinacyada saddexaad ee adduunka oo dhan.
XIGASHO VOA