Isniin 20, Jan 2025 {HMC} Magaalada Davos ee Dalka Switzerland waxaa maanta oo ah 20ka Janaayo 2025 ka furmaya madasha dhaqaalaha Adduunka, shirkaan waxa uu soconayaa ilaa 24ka Bishaan oo marka lasoo gabagabeeyo laga soosaari doonno Warsaxaafadeed.
Waxaa ka qaybgalaya Shirkaan 3,000 oo hoggaamiye oo kala metalaya 130 Dal & marti kale oo lagu casuumay ka qaygalka madashaan, Soomaaliya ayaa qayb ka ah waxaana ay la tagi doontaa qorshaha la xiriira hannaanka hagaajinta dhaqaalaha & sida looga gudbi karo caqabadaha jira.
Madaxda ayaa kulamo gaar gaar ah dhexdooda yeelanaya, kulamo doceedyadaas ayay ku falanqeyn doonnaan xoojinta xiriirka kala dhaxeeya iyo in ay diiradda saaraan qorshaha lagu adkeyn karo ka gudubka caqabadaha jira.
Madasha 55aad ee Dhaqaalaha Adduunka looga hadlayo waxaa ugu xooggan in mas’uuliyiinta kala duwan ay saldhigaan taageerrada dalalka soo koraya si looga caawiyo awooddooda waxsoosaarka kordhinaya dakhligooda.