spot_imgspot_imgspot_img

Waxa aan ka ognahay – iyo waxa aynaan ka ogeyn – maxaabiista Falastiiniyiinta

Axad 19, Jan 2025 {HMC}  Xamaas ayaa sheegtay inay Israa’iil ka sugeyso liiska 90 maxbuus oo Falastiini ah oo maanta lasii deyn doono iyadoo la dhaafsanayo la heystayaasha Israa’iil.

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa wax walboo aan ka ognahay – iyo waxa aynaan ka ogeyn – maxaabiistaas:

  • Shalay, Masar – oo xabbad-joojinta dhexdhexaadiye ka ah – ayaa sheegtay in isku darka 1,890 Falastiiniyiin ah la sii deyn doono marxaladda lixda toddobaad ee ugu horreysa xabbad-joojinta
  • Wasaaradda caddaaladda Israa’iil ayaa sidoo kale shaacisay liiska 734 maxbuus oo ay sheegtay inay sii deyn doonto – waxaa la filayaa inay ka mid noqdaan 1,890-ka qof. Inta kale waxba kama ogin – waxay noqon karaan dad aan ku jirin hannaanka caddaaladda Israa’iil, tusaale ahaan dadka reer Qasa ee ay xirtay IDF
  • Waxaa jira faahfaahinno kale oo aynaan ogeyn, sida qaabka maxaabiista loo sii deyn doono iyo markiiba inta la sii deynayo, balse Falastiiniyiinta ayaa haatanba sii bilaabay inay isugu tagaan meelaha u dhow xabsiyada si ay warka u sugaan
  • Inkastoo aynaan ogeyn dhanka Israa’iil, Xamaas ayaa sheegtay in heshiiska xabbad-joojinta uu dhigayo in la heyste walba oo Israa’iili ah oo la sii daayo, 30 maxaabiis Falastiiniyiin ah sidoo kale lasii deyn doono

WARARKA