Axad 19 Jan 2025 {HMC} Kumanaan ruux ayaa dibadbax cabasho ah oo ka dhan ah Madaxweynaha berri Xilka la wareegaya Maraykanka ee Donald Trump ka dhigay Magaalada Washington, waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin ereyo culus oo ka dhan ah Madaxweynahaas.
Dadka kasoo muuqday dibadbaxyada waxaa kamid ahaa, Xubnaha u dooda xuquuqda Haweenka, xoojinta cadaaladda iyo kuwa siyaasadda falanqeeya kuwaas oo ka digay in uu dhibaatooyin horleh uu geysto Madaxweyne Trump.
Trump oo berri xilka si rasmi ah ula wareegaya ayaa wajahaya xaalado adag oo dhanka Bulshada Maraykanka, qaarkood ayaa sheegay in ay ka niyad jabeen hoggaamiyaan kaddib markii uu gacmaha la galay dambiyo ka dhacay.
Haweenka qaar ayaa ku dooday in kiiskii la xiriiray tacadiga ka dhanka ah Dumarka ee horay loogu soo eedeeyay Donald Trump weli taagan yahay, halka kuwa siyaasiyiinta ahna ay sheegeen in uu meel iska dhigay xil siinta Haweenka.