Khamiis 16, Jan 2025 {HMC} Taliyaha ciidamada Sudan Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa sameeyay guddi baaritaan ku sameeya xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee lagu eedeeyay in ay geysteen ciidamadiisu xilligii ay dib uga qabsadeen magaalada Wad Madani kooxda ay iskasoo hor jeedaan ee Dacmu Sariic.
Guddiggu waxay baarii doonaan dhacdooyinka xerada Taiba ee gobolka Jasiira, waxayna soo gudbin doonaan warbixin muddo toddobaad gudihiis ah.
Koonfurta Sudan ayaa ka dacwootay tacadiyo loo geystay muwaadiniinteeda intii uu socday hawlgalka.
Ururka RSF ayaa ku andacoonaya in ciidamada dowladda iyo xulafadooda ay beegsadeen dad rayid ah, oo ay ku eedeeyeen in ay gacan saar la leeyihiin maleeshiyada.