Khamiis 16 Jun 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in tallaabadan ay ‘joojin doonto dagaalka Gaza, isla markaana ay sare u qaadi doonto doonto gargaarka bini’aadantinimo ee ay aadka ugu baahan yihiin shacabka reer Falastiin, isla markaana ay maxaabiistu la mideyn doonto qoysaskooda.
Dhanka kale, Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa sharraxay sababta ay muhiim u ahayd in lagu daro maamulka cusub ee Trump wadaxaajoodka waxuuna sidoo kale sheegay in muhiimaddu ahayd hirgelinta heshiiskaas.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump ayaa si rasmi ah madaxweyne u noqon doonaa shan maalmood kadib.
Xaqiiqadaas soo dhowaanaysa ayaa si cad u dhiirrigelisay dhexdhexaadiyaasha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ee ku hawlanaa raadinta heshiis xabbad-joojin ah.
Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Trump, waxuu u raray safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv magaalada Qudus waxuuna aqoonsaday haysashada Israa’iil ee Buuraha Golan Heights.
Heshiiskan ayaa ahaa wixii madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Biden uu si aad ah ugu hamiyey kadib Dhibaatooyinkii 15-kii bilood ee ugu dambeysay socday iyo arrinta ka qabsatay kala qaybsanaanta siyaasaddiisa arrimaha dibadda iyo gudahaba.
Noocyada heshiiska ayaa miiska saarnaa tan iyo May sanadkii hore. Xamaas iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay dib u dhaca heshiiskaas.