spot_imgspot_imgspot_img

Maxaay Wada Hadleen Ra’iisul Wasaara Xamsa & Ambassador Maxamed El-amine Souef?

Arbaco 15, Jan 2025 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Maxamed El-amine Souef.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wada hadleen arrimo la xiriira hawlgalka Midowga Afrika, iyada oo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Sidoo kale, kulan ayaa looga hadlay howlgalka cusub ee taageerridda iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo bedalaya ATMIS, iyada oo danjire Souef uu xusay in Midowga Afrika si buuxda uga taageerayo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Midowga Afrika uga mahadceliyey taageerrada ku aaddan hawlgalka cusub ee (AUSSOM).

Kulankaan Ra’iisul wasaaraha iyo wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ku soo aaday xilli la filaay in uu billawdo hawlgalka cusub ee (AUSSOM).

WARARKA