Talaado 14, Jan 2025 {HMC} Qatar oo ah dhex-dhexaadiyaha muhiimka ah ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in wada-hadallada xabbad-joojinta Gaza iyo heshiiska sii daynta la-haystayaasha ay marayaan “heer geba-gebo ah”, iyadoo intaas ku dartay inay rajo ka qabaan in heshiis la gaari karo “dhawaan”.
Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa xoojiyay dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo xabbad-joojin si loo suurtageliyo sii daynta la haystayaasha lagu haystay Gaza tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii October 2023 ay ku qaaday Israel.
Isniintii, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiis uu “ku dhow yahay” in la dhammeeyo, maalmo yar uun ka hor caleemo-saarka beddelkiisa.
Talaadada maanta ah, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar Majed al-Ansari ayaa sheegay in wada-hadallada ay marayaan “marxaladihii ugu dambeeyey”.
“Waxaan aaminsanahay inaan joogno marxaladihii ugu dambeeyay… hubaal waxaan rajeyneynaa in tani ay si dhakhso ah u horseedi doonto heshiis,” ayuu yiri Ansari, isagoo intaas ku daray “ilaa inta laga sameynayo ku dhawaaqis… waa inaan aad uga farxin waxa hadda socda”.
“Waxaan gaarnay marxalad arrimaha ugu waaweyn ee hortaagnaa in heshiis la gaaro wax laga qabtay,” ayuu ku yiri shir jaraa’id.
Weerarkii Xamaas ee 7-dii October, oo ahaa kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Israel, ayaa sababay dhimashada 1,210 qof, oo intooda badan ay yihiin dad rayid ah, sida laga soo xigtay tirakoobka AFP ee xogta rasmiga ah ee Israel.
Maalintaas, dagaal-yahannada ayaa sidoo kale afduubtay 251 qof, kuwaasoo 94 ka mid ah weli lagu haysto Gaza, oo ay ku jiraan 34 oo militariga Israel ay sheegeen inay dhinteen.
Ololaha aargoosiga ah ee Israel ee Gaza ayaa dilay 46,645 qof, oo intooda badan ay yihiin dad rayid ah, sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee dhulka ay Xamaas maamusho, tirooyinkaas oo Qaramada Midoobay ay u aragto kuwo la isku halleyn karo.
Ilo xog ogaal u ah wada-hadallada Dooxa ayaa hore u sheegay in madaxda hay’adaha sirdoonka ee Israel, ergooyinka Bariga Dhexe ee maamullada Mareykanka ee soo socda iyo kuwa baxaya iyo ra’iisul wasaaraha Qatar ay ku sugnaayeen wada-hadallada.
“Dhex-dhexaadiyeyaashu waxay wada-hadallo gaar ah la yeelan doonaan Xamaas,” ayuu yiri il-wareedka.
Qatar ayaa markii dambe sheegtay in wada-hadallada lagu qabanayo “heerka ugu sarreeya”.
XIGASHO VOA