Isniin, 13,Jan,2025 (HMC) Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay Isniinta maanta ah in markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, kaas oo lagu afduubtay meel ka baxsan xeebta Soomaaliya bishii November, la sii daayay isaga iyo 18 shaqaale ah oo saarnaa.
Safaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay in shaqaalaha la soo badbaadiyay Isniintaka dib “dadaallo aan kala go’ lahayn oo ay samaysay dowladda Shiinaha.”
“Dowladda Shiinaha waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun oo khatar galiyay badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah, waxayna sii wadi doontaa inay si adag u difaacdo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta Shiinaha iyo shirkadahooda ku sugan dibadda,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Markabka iyo shaqaalihiisa ayaa la afduubtay dabayaaqadii bishii November waxaana lala aaday degmada Xaafuun ee dowlad-goboleedka Puntland, oo ah dhul ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya.
Burcad-badeedda afduubatay markabka ayaa markii dambe dalbaday madax-furasho dhan $10 milyan. Lama oga in lacagta la bixiyay iyo in kale.
Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in “dowladda Shiinaha ay wadashaqeyn iyo iskaashi dhow kala lahayd” mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul-goboleedka Puntland dadaallada lagu soo bad-baadinayay markabka iyo shaqaalihiisa.
Afduubkan ayaa muujinaya caqabadaha joogtada ah ee amniga badda ee biyaha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa muddo sanado ah aafeeyay burcad-badeednimo, taas oo heerkeedii ugu sarreeyay gaartay 2011, markaas oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar laga diiwaan geliyay xeebaha Soomaaliya.
Dhacdooyinka, si kastaba ha ahaatee, si aad ah ayay hoos ugu dhaceen tan iyo markaas, taas oo inta badan ay sabab u aheyd joogitaanka ciidamada badda ee Maraykanka iyo xulafadiisa ee biyaha caalamiga ah.