Axad 12, Jan 2025 {HMC} Masuuliyiintii maamulka la baxay Hiiraan State Cabduqaadir Colow iyo Cabdirashiid Ilkacase ee halkii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku haayay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Baledweyne iyo xerada Militariga ee Lamagalaay ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay dhamaan xarumahaas masuuliyiin ka socotay dowladda Fedaraalka.
Xarumahaan ayaa waxaa lagu wareejiyay Masuuliyiinta dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee maalmahii la so dhaafay ku sugnaa Magaalada Baledweyne,
Masuuliyiinta ka socday Dowladda Soomaaliya waxaa hoggaaminayaan Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Munaasabad kooban oo lagu wareejinaayay xarumaha ayaa ka hadlay qaar kamid ah Maamulkii sheegtay Hiiraan Sate ee gacanta ku haayay xarumaha ay manta wareejinayaan
Wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo Taliyaha NISA oo dhankooda ka hadlay goobta ayaa balan qaaday in dowladda Fedaraalka ay ka shaqeyn doonto in dadka reer Hiiraan ay helaan nidaam loo dhan yahay.
Wasiir Daahir Shire iyo mas’uuliyiinta kale ka socota dowladda Fedaraalka ayaa ugu baaqay shacabka reee Baledweyne iney taageeraan dadaalada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo maamul wanaagga, waxayna ballan qaadeen in xarumahaan ay ku sameynayaan dhib u dhis xoogan si loogu adeego bulshada.
Intaas kadib ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta furay dhamaan wadooyin muhiimka ah oo xirnaa tan iyo markii magaalada Baledweyne ay ka bilaawdeen maamulada isdiidan iyo dagaalo u dhaxeeyo Maamulada ku muransanaa Gacan ku haaynta Magaalada Baladweyne