Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntland ay codsatay in ciidamadeeda dagaalka kula jira Daacish laga taageero duqeymaha cirka, rasaasta, iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka ah si loo baabi’iyo khatarta kooxda Daacish.
Puntland waxay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya inay xilal u magacowdo xubno horey uga tirsanaan jiray Al-Shabaab oo isku dhiibay, taas oo ay sheegtay inay keentay kalsooni darro weyn.
Maamulka Puntland waxay ugu baaqday Beesha caalamka in si toos ah loo taageero maamulkeeda si ay u xoojiso awooddeeda dagaalka ka dhanka ah argagixisada.