Sabti 11, Jan 2025 {HMC} Cali Yuusuf Xoosh Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni inuu ku fashilmay hoggaaminta maamulkiisa.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu muddo dheer indhaha ka qarsanayay halista dagaalka argigixisada, gaar ahaan Daacish taas oo sababtay in kooxda Daacish ay awood ku yeelato deegaano ka tirsan Puntland.
Wasiir Cali Xoosh ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo shacabka reer Puntland inay muujiyaan baraarug, ayna fahmaan jihada uu hadda ku socdo maamulka Puntland, oo u muuqata sida uu sheegay mid ka leexatay tiirarkii iyo tubtii aasaaska ahayd ee maamulka lagu dhisay.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in aysan marnaba aqbali karin in Puntland loo xanibo dano shaqsi ah iyo siyaasad khaldan oo bulshada kala qaybinaysa.
Cali Xoosh ayaa xusay in dowladnimada Soomaaliya ay horumar weyn ka samaysay dhinacyo badan, ayna lagama maarmaan tahay in Puntland ka noqoto hormuud siyaasadeed oo qeyb ka qaadata wadajirka iyo midnimada qaranka.