spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeeyb galay Shirka Horumarinta beeraha Africa.

Sabti 11, Jan 2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galay Shirka Sare ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP).

Madashan oo maalmahan ay fadhiyeen Wasiirrada Beeraha dalalka Afrika ayaa haatan Madaxdu waxay ka wada hadleen fulinta qorsheyaasha iyo talooyinka la soo saaray ee ku aaddan horumarinta wax soo saarka beeraha, kor u qaadista dhaqaalaha iyo xaqiijinta amniga cunno ee Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la horumariyo wax soo saarka beeraha iyo in laga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaatay dhiggooda dalalka ka soo qeyb-galaya shirkan, si loo xoojiya doorka diblumaasiyadeed ee dalkeennu uu ka qaadanayo Qaaradda.

WARARKA