Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa soo qabtay laba nin oo ku eedaysan inay hooyadood ku dileen deegaanka Habaaslay ee gobolka Togdheer, 23-kii December, 2024.
Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil ayaa la sheegay inay midi ku dileen labo wiil oo ay dhashay, kadibna ay aaseen. Booliiska gobolka Togdheer oo ka hawlgalay fal dambiyeedkan ayaa gacanta kusoo dhigtay eedaysanayaasha.
“Arrintaa booliiska ayaanu u dirnay, waanu baadhnay, islaanta marxuumadda ah ee la odhan jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil waxa aanu usoo xidhnay labo wiil oo ay dhashay” ayuu yidhi sarkaal booliis u hadlay. “Markii aanu usii kuurgalay waxa naloo sheegay in ay 7 tooriyood ku dhaceen,”
Sarkaalku waxa uu sheegay in mid kamid ah eedaysanayaashu uu qirtay dambiga: “Ereyada laga qoray ninka ay islaantu dhashay waxa kamid ahaa, ‘Aniga ayaana ugu horeeyay, geerideedana aniga ayaana ugu danbeeyay'”.
Kiiska dilka ah oo ah mid axmaqnimo ah ayaa ka nixiyay bulshada kadib markii uu soo shaacbaxay, maadaama oo la sheegay in marxuumadda la aasay kadib markii la dilayna si degdeg ah loogama warhelin dhacdadan.