Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in sanadkan ay u sharraxan tahay in ay ka hesho mid ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan waligeed xubin ka noqon Golahan tan iyo markii la aas-aasay 2004-tii.
Xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa muhiimad weyn u leh Soomaaliya, iyadoo golahan uu ka mas’uul yahay go’aan qaadashada arrimaha amniga, nabadda, iyo xasilloonida qaaradda Afrika.
Haddii Soomaaliya ay ku guuleysato xubinnimada, waxay ka mid noqon doontaa wadamada sameeya siyaasadda iyo talaabooyinka amni ee muhiimka ah ee qaaradda, taas oo Soomaaliya ka caawin doonta inay si dhow uga qaybqaadato arrimaha gobolka.
Musharraxnimada Soomaaliya ee Golaha Nabadda iyo Amniga waxay sidoo kale muujineysaa horumarka dalka ee dhinaca siyaasadda iyo amniga, iyadoo fursad u abuuraysa Soomaaliya inay horumariso xiriirka caalamiga ah iyo taageerada dalka ka helaya hay’adaha caalamiga ah.
Soomaaliya, oo ka soo kabaneysa dagaallo iyo xaalado amni darro, waxay aragtaa xubinnimada golaha sidii talaabo muhiim ah oo ku saabsan dib u soo kabashada iyo horumarka gudaha.
Xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa Soomaaliya siinaysa fursad ay ka qeyb qaadato go’aanada caalamiga ah ee ku saabsan nabadda iyo amniga Afrika, taas oo muhiim u ah xoojinta xasilloonida gobolka iyo ka qaybqaadashada siyaasadda amniga ee qaaradda.