Jimco 10, Jan 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa booqasho shaqo ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar. Intii uu halkaas joogay, Wasiirku waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Mudane Abdul Majeed Saqr.
Xoojinta Iskaashiga Dhanka Ciidanka iyo Amniga
Labada masuul ayaa xoogga saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada ciidanka iyo ammaanka ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Waxa ay isdhaafsadeen fikrado iyo talooyin ku saabsan horumarinta wada-shaqeynta labada dal ee dhanka amniga iyo tababarrada ciidamada.
Wasiir Cabdiqaadir iyo dhiggiisa Masar ayaa sidoo kale ka wada hadlay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM (African Union Somalia Transition Mission). Howlgalkan cusub ayaa ka bilaabmay Soomaaliya 1-dii bishan Janaayo, isagoo beddelay Howlgalka AMISOM. Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo dadaallada amniga iyo nabad-dhisidda ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo labada Wasiir ay ku nuuxnuuxsadeen in wada shaqeyntan ay muhiim tahay xilligan si loo gaaro himilooyinka amniga iyo horumarinta ciidamada labada dal.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Masar taageeradooda joogtada ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid istiraatiiji ah oo sii xoogeysanaya. Wasiir Abdul Majeed Saqr-na wuxuu ballan qaaday in Masar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarada iyo qalabaynta ciidanka.
Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu sii wado kulammo la xiriira booqashadiisa shaqo ee Qaahira, isagoo ka qeyb galaya shirar lagu gorfeeyo amniga gobolka iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Afrika.