spot_imgspot_imgspot_img

Mohamed Abdi Hassan (Afweyne) ayaa laga sii daayay xabsi ku yaal Belgium

Khamiis 9, Jan 2025 {HMC}  Sida warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya laghu sheegtay, Mohamed Abdi Hassan Afweyne waxa uu yimid dalkiisa hooyo.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo abxay Afhweyne wuxuu ka shaqeynayay howlo kalluumeysi waxaana gacan ka geystay sii deyntiisa Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Belgium & Midiwga Yurub,

Ambassador Yonis Yassin Hashi (Ooga-Adde) Yonis ayaa dib u furay kiiska, isaga oo booqashooyin joogto ah ugu tagay Maxamed Cabdi Hassan goobta uu ku xirnaa in ka badan seddex sannadood.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ugu dambeyn la xaqiijiyay in Maxamed yahay qof aan dambi lahayn. 11 sano kadib markii uu bilaabay xabsigiisa. Afweyne ayaa maalinta sabti ah 2013-kii lagu xiray garoonka diyaaradaha Brussels.

Sarkiil dhar-cad ayaa ka dambeeyay soo qabashadiisa kaddib markii ay ka dhaadhiciyeen in ay ka qeybqaadanayaan barnaamij TV oo ku saabsan burcadbadeedka. Dacawad oogayaashii xligaas ayaa sheegay in ay aaminsan yihiiin in uu ka dambeeyay Markab Belguimka laga leeyahay oo la qabsaday sanadkii 2009-kii.

30 sano oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay burcad badeednimo.

WARARKA