Khamiis 9,Jan 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay inay sameyso wax walba oo karaankeeda ah, si loo xakameeyo dabka cusub ee ka kacay qaybo ka mid ah magaalada Los Angeles ee gobolka California, sida uu sheegay madaxweyne Biden.
Madaxweyne Biden ayaa muujiyay in waqti dheer ay qaadan karto la tacaalidda xaaladda dabka, balse ay wax walba u hurayaan sidii loo xakameyn lahaa.
Wuxuu amar ku bixiyay in dowladda dhexe ay kaalmeyso tan gobolka si ay ugu guulaystaan dadaallada socda ee wax looga qabanayo dabka holcaya ee sida xowliga ah ku baahaya.