spot_imgspot_imgspot_img

TRUMP oo ku dhowaaqay in uu awood Milliteri u adeegsanayo saddex dal.

Arbaco 8, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii diiday in uu meesha ka saaro adeegsiga awood militari ama dhaqaale siu u ula wareego Panama Canal iyo Greenland, taasi oo qeyb ka ah ajande is-ballaarin oo uu la soo baxay kadib markii uu ku guuleystay doorashadii November 5.

Trump, oo xafiiska la wareegi doona 20-ka Janaayo, ayaa sidoo kale kor u qaaday fikradda ah in Canada laga dhigo gobol ka tirsan Mareykanka, wuxuuna sidoo kale ballan qaaday inuu u beddeli doono magaca Gacanka Mexico kuna magacaabi doono Gacanka America.

Laba toddobaad kahor inta uusan xafiiska la wareegin, Trump wuxuu bilaabay inuu dejiyo siyaasad qallafsan oo dibadeed isaga oo aan tixgalin yar xitaa siin diblomaasiyadda ama welwelka xulafada Mareykanka.

Mar wax laga weydiiyey in uusan u adeegsan doonin xoog ku muquunin militari ama dhaqaale isku dayga uu ku doonayo in uu ku maamulo Kanaalka Panama iyo Greenland, Trump waxa uu yiri: ā€œMaya, midna kuuma xaqiijin karo. Laakiin waxaan kuu xaqiijin karaa waxaan ugu baahanahay sababo amni dhaqaale.ā€

Trump ayaa dhaleeceeyay qarashka Mareykanka uu ku iibsado badeecadaha Canada iyo taageerada milateri ee Canada, isagoo sheegay in Mareykanka uusan faaā€™iido ku qabin arrintaas, wuxuuna ku tilmaamay xadka labada dal mid si macmal ah loo sameeyay.

Waxa uu tilmaamay inuu ku soo rogayo Danmark canshuur haddii ay ka hortimaado dalabkiisa ah inay iibsato Greenland, taasi oo uu sheegay inay muhiim u tahay ammaanka qaranka Mareykanka. Wax yar ka hor hadalka Trump, wiilkiisa Don Jr. ayaa tegay Greenland.

Danmark waxay sheegtay in Greenland, oo ah qayb ka mid ah boqortooyada, aanay iib ahayn.

Raā€™iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay goor dambe oo Talaadadii ah iyadoo ka jawaabeysa hadalka Trump: ā€œUma maleynayo inay wanaagsan tahay in aan isku dagaalno dhaqaale marka aan nahay xulafo dhow iyo saaxiibo.ā€

ā€œHadalka madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa muujinaya faham laā€™aan buuxda oo ku saabsan waxa ka dhigay Canada mid xooggan, dhaqaalaheenu waa xoog badan yahay, dadkeenu waa xoog badan yihiin, marnaba iskuma dhiibin doonno hanjabaadaha,ā€ Wasiirka arrimaha dibadda Canada MĆ©lanie Jolie ayaa sidaas ku tiri X.

Masā€™uuliyiinta Mexico iyo Panama weli kama aysan hadlin hanjabaadda Trump. Madaxweynaha Panama Jose Raul Molino ayaa horey u diiday fikradda ah in Kanaalka lagu celiyo Mareykanka, kaasi oo maamuli jiray ka hor inta uusan maamulka Panama ku wareejin 1999-kii.

WARARKA