spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaaray dalka Uganda.

Talaado 7, Jan 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa  gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda si uga qayb galo shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika oo ay martigalinayso Dowladda Uganda.

Wasiirka ayaa waxaa Airport-ka Entebbe kusoo dhaweeyay Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare Safiirka JFS ee Uganda iyo madax kale.

Shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga Afrika ayaa looga hadlayaa istaraatiijiyada shaqo ee Ururka 10-sano ee soo socota 2026- 2035.

WARARKA