Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay codsi uga yimid maamulka Puntland, iyada oo u fidisay gargaar caafimaad askartii dhawaan ku dhaawacmay weerar ay kooxda Daacish ka geysatay tuulada Dharjaale ee gobolka Barri.
Askarta dhaawacan oo xaaladooda caafimaad ay aad u cusleyd ayaa loo qaaday Wadanka Itoobiya, maaddaama lagu guul-darraystay in wax looga qabto xaaladooda isbitaallada Puntland.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya taageerada degdegga ah ee ay bixisay, iyagoo sheegay in tani ay tahay tallaabo muujinaysa iskaashiga iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa labada dhinac.
Weerarka ka dhacay Deegaanka Dharjaale ee Gobolka Bari ayaa ahaa mid ay ka dhasheen qasaaro iskugu Jiro dhimasho iyo dhaawacba sida ay warbaahinta u sheegeen maamulka Puntland,waxaana sidoo kale maamulka Puntland ay sheegeen in ay sii xoojin doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah.
Ku dhawaad 20 qof oo u badan askarta ciidanka Puntland ayaa ku geeriyooday weerarkan. Sidoo kale tiro ka badan 30 ayaa ku dhaawacmay weerarkaan oo ahaa midkii ugu horreeyay ee Daacish ay ka geysato gudaha Deegaanada Puntland.
Madaxda Maamulka Puntland ayaa ka dalbatay Beesha caalamka in laga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argigixisada Daacish, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso argigixiso caalami ah oo kusoo duushay degaanadeeda.