Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Jaamacadda Gothenburg, ee dalka Sweden ayaa waxaa ay baaritaan qoto dheer ku sameysaa afka-Soomaaliga, waxaana ay ka sameeyaan qoraal cilmi ah.
Jaamacadda ayaa macalimiin u dhashay dalkaas waxay baraan arday Soomaali ka mid tahay luuqadda Soomaaliga.
Jaamacadda ayaa haysa qoraal Soomaali ah oo la qoray muddo aad u fog, waxaana Soomaaligu ka mid yahay luuqadaha Afrika ee Jaamacaddu ku sameyso baaritaannada cilmiyeeysan ee ujeedkoodu yahay in loo yeesho faham mug leh oo dib ugu laabanaya bilowgii afka.
Faysal Maxamed Muxumed oo ah Arday dhigta Jaamacadda Gothenburg ee dalka Sweden ahna bare Luuqadda Soomaaliga ah, ayaa sheegay in af-Soomaaliga loo baaro habka uu u dhisanyahay iyadoo loo maray nidaam lagu eegyo qoraalkiisa iyo sida erayadu ay isku raacayaan.
Wuxuu tusaale u soo qaatay Faysal, kalmadda waa “Lala socday”. Waxaa uu yiri: Labo la’ baa ku jirta naxwo ahaan markii la fiiriyo. La’da mid waa magac u yaal oo waa qofkii wax la socday, midna waa horyaalle, waxay dhisaysaa oraahda,”.
Ujeedka arrintaan Jaamacaddu ka leedahay ayaa Faysal ku sheegay in howshaan ay tahay mid aan hadda bilaaban oo muddo soo soctay, isla markaana afaf badan oo Afrika ah lagu sameeyo si wax looga ogaado taariikhdooda dhabta ah ee dhinacyada qoraalka, dhaqanka iyo dhismahaba.
Waxaan shaki ku jirin in tani ay kugu noqonayso layaab, balse ma ahan in Macallimiintu ay qofka Soomaaliga ah barayaan afka ku hadalkiisa, waxay barayaan oo fahamsiinayaan cilmiyan sida uu u dhisanyahay is-raaca erayada iyo marxaladihii uu soo maray Afka Soomaaligu, oo ay ku sameeyeen baaritaanno lagu aruurinayo arrimahaas oo dhan.
“Way yar adagtahay in qofku uu fahmo in la dhaho qof ajanabi ah ayaa qof Soomaali ah baraya luuqaddii Soomaaliga, laakiin qofkaan wuxuu ku barayaa qaab-naxweedkii iyo qaabka uu afku u dhisanyahay,” ayuu yiri aqoonyahay Faysal Maxamed Muxumed.
BBC-da ayaa Faysal waydiisay ma qof ajanabi ah ayaa Soomaalida baraya luuqadoodii, waxaana uu ku jawaabay, “haa Macallinka ajanabiga ah ee Swedish-ka ah ayaa baraya,”.
Faysal isaga ayaa ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ajaanibtu Af-Soomaaliga u baraan qaabka cilmiyeysan ee dhuux-taabadka ah. Waxaana u intaa raaciyay in Macallimiintaasi ay xitaa saxeen qoraallo ka soo baxay xaruumo dowladeed oo ay ka saxeen erayo waxna lagu daray waxna laga tagay.
“Waxaana jirta qoraallo badan oo macallin Swedish ah uu saxay oo ka soo baxay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka tirsan maamul goboleedyada oo qaladaad badan ku jiro warqadihiina waan hayaa,” ayuu yiri Faysal.
BBC-da ayaa Faysal mar kale waydiisay sida arrintaas ay suurta gal ku tahay, wuxuuna ku jawaabay: In aan afka ku hadlo kama dhigna in aan afka aqaanno, afka in qaab cilmiyeysan oo seynis ah loo baaro iyo in aan afka ku hadlo labo ayay kala yihiin,”.
“Dadka Soomaalida ah badankood afka way ku hadlaan, laakiin kan kale waa mid Iskuul gooni ah loo aado oo la barto,” ayuu raaciyay.
Waxaa intaa dheer in Jaamacaddu hayso qoraal Af-Soomaali ah oo muddo fog ka hor la qoray kaas oo tilmaamaya in afka Soomaaligu uu fac weynyahay, waxaana qoraalladaas oo ay sidoo kale hayaan qaar ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed qayb ka qaatay qoraalkooda sida xoguhu tilmaamayaan dad ajaanib ah.
Kobac la’aanta luuqadaha
Khuburada afafka ayaa qaba in afaf badan oo ay ku hadlaan dalal dunida ka tirsan ay u hormari la’yihiin. Waxaa qaarkood ay ku sheegeen “in maskixiyan loo qaraareeyay dhadhanka iyo muhiimadda ay leeyihiin in cilmiyan loo barto loona horumariyo afafka.
Arrintaas dadka qaar ayaa u tiirinaya gumeystayaashii si gaar ah dalalka Afrika oo intooda badan luuqado kale ku lamaaniyay afafkooda.
“Caqabadda kobac la’aanta waa mid haysata dalalkii la gumeystay oo dhan, gaarahaan Afrika, waxaana weeye caqabadda ugu weyn in loo qaabeeyay, si afkiisa loogu tiirsanaado,” ayuu yiri Faysal.
XIGASHO BBC