spot_imgspot_imgspot_img

Israa’iil oo duqeysay fariisimaha ciidamada Suuriya ee koonfurta Xalab

Jimco 3 Jan 2025 {HMC} —  Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa habeenkii Khamiista lala beegsaday fariisimo ciidamada Suuriya ay ku leeyihiin koonfurta Xalab, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya, halka dadka deegaanka ay sheegeen in ay maqleen qaraxyo waaweyn.

Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay maqleen dhawaqa “ugu yaraan todobo qarax oo waaweyn oo ka dhashay ciidamada cirka ee Israa’iil oo beegsaday shaybaadhada difaaca ee deegaanka Al-Safira ee koonfurta Xalab iyo cilmi-baadhisyo cilmiyeed,” kuwaas oo ah goobo ay leeyihiin ciidamada Suuriya oo laga marki xukunka laga tuuray Bashaar Al-asad.

Israa’iil ayaa boqolaal duqeymo ah ku qaaday saldhigyada militariga Suuriya kadib markii kooxo hubaysan oo ay hogaaminayso Hayat Tahrir al-Sham ay xukunka ka tuureen Assad 8-dii December.

Israa’iil ayaa qiil uga dhigtay duullaankaas iyadoo sheegtay inay doonayso inay ka hortagto in xarumahan iyo hubkaba ay ku dhacaan gacmaha cadawga.

WARARKA