Jimco 3, Jan 2025 {HMC} Wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska iyo Jarmalka ayaa booqday Magaalada Dimishiq, iyagoo kamid ah diblomaasiyiinta reer Galbeed ee ugu dambeeyay ee la kulma kooxaha Islaamiyiinta ah ee afgambiyay Bashar al-Assad bishii hore.
Labada Wasiirrada ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen xabsiga caanka ah ee Dalka Saydnaya kaas oo ay ka dhaceen tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha mudadii uu xilka hayay Bishaar Al asad.
Wasiirka Arrimaha Debedda ee Fransiisa Jean-Noel Barrot ayaa warbaahintauga warramay rejooyinooda ku aaddan xaalka Syria, isaga oo sheegay in filashadu hagaagsan tahay oo illaa hadda si wanaagsan wax u socdaan.
Sidoo kale, wararka ka imanaya Suuriya ayaa sheegaya in xaddidaad cusub lagu soo rogay muwaadiniinta Lubnaan ee dalkaas soo galaya kadib markii dagaallo ka dhaceen xadka Lubnaan.
Ciidanka Lubnaan ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo Suuriyaan ah ay rasaas ku fureen ciidamadooda kadib markii ay isku dayeen inay joojiyaan baabuur si sharci-darro ah uga tallaabay xadka.