spot_imgspot_imgspot_img

Askari boolis ah ayaa shaqaale Shiine u dhashay ku dilay Congo

Thursday 2,Jan, 2025 {HMC} Askari boolis ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa lagu eedeeyay dilka labo qof oo u dhashay Shiinaha isagoo sidoo kale dhaawacay qof kale gobolka Lomami ee koonfur bari dalka sidaasi waxaa sheegay raadiya ay Qaramada Midoobay taageerto Okapi.

Askariga booliska waxa uu mas’uul ka ahaa ilaalinta shaqaalaha Shiinaha u dhashay ee u shaqeeya shirkadda CREC taas oo dhiseysa wadooyin.

“Askari booliska ka tirsan ayaa shalay oo arbaco aheyd ku toogtay saddex shaqaale Shiinees ah oo ka tirsan shirkadda Grec 6. Dilka waxa uu ka dhacay magaalada Mwene-Ditu ee gobolka Lomami. Labo isla goobta ayey ku dhinteen halka qof kale uu soo gaaray dhaawac halis ah”. Sidaasina waxaa sheegay korneel Justin Bora Uzima.

Radio Okapi wuxuu sheegay in aan la ogeyn sababta keentay dilka balse goobjooge ayaa sheegay in muran dhexmaray habeenkii sanadka cusub. Askariga booliska ee looga shakisan yahay dilka ayaa goobta ka baxsaday.

Duqa magaalada Mwene-Ditu, Gérard Tshibanda Kabwe, ayaa xaqiijiyay in ay jirto dhacdadaas, wuxuuna ballanqaaday in uu dib ka sharixi doono.

WARARKA