Isniin 30, Dec 2024 {HMC} Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa maanta soo gabagabeysay tababar muhiim ah oo loo qabtay Wariyayaasha xubnaha ka ah ururka, kaas oo Muqdisho ka socday saddex cisho.
Tababarkan, oo diiradda lagu saaray anshaxa saxaafadda, soo saarista warbixinnada maqalka iyo muuqaalka, iyo badbaadada dijitaalka ah, ayaa waxaa ka qayb-galay 25 wariye oo ka kala socda gobollada Hirshabelle, Koofur Galbeed, iyo Benaadir.
Tababarka waxaa lagu baray Wariyeyaasha xirfadaha soo saarista warbixino sax ah, ilaalinta xogta bulshada, iyo badbaadada suxufiyiinta, gaar ahaan marka ay ka shaqeynayaan meelaha khatarta ah.
Waxaa sidoo kale la baray tiknoolajiyadda iyo software-yada casriga ah ee warbaahinta, iyo sidii loo ilaalin lahaa amniga dijitaalka ah, iyadoo laga hortagayo khataraha sida hacking iyo malware.
FESOJ iyo BBC Media Action ayaa iska kaashaday tababarkan, oo ay maalgeliyeen Midowga Yurub. Guddoomiyaha FESOJ, Abaadir Cabdulqaadir Cilmi, ayaa sheegay in tababarkan uu suxufiyiinta ka caawinayo in ay soo saaraan warbixino mas’uuliyad leh iyo kuwo ku saleysan anshaxa saxaafadda.
Xoghayaha Guud ee FESOJ, Farah Omar Nur, ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyay muhiimadda wacyigelinta ku saabsan khataraha dijitaalka iyo xatooyada xogta.
FESOJ waxay rajaynaysaa in tababarkani uu sii xoojin doono xirfadaha suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo badbaadadooda shaqo.