spot_imgspot_imgspot_img

Dalka Chad oo Maanta looga Dareeray Doorasho 10 sano kaddib

Axad 29, Dec 2024 {HMC} Shacabka Jamhuriyadda Chad ayaa maanta oo Axad ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan Baarlamaanka, Mas’uuliyiinta Gobollada & kan Dowladda Hoose oo toban sano kahor ugu dambeysan doorasho tan lamid ah.

Waddankaan dhaca Bartamaha Qaaradda Afrika ayaa kasii degaya nidaamka awoodda Militariga iyada oo Shacabka loo celiyay awoodda Doorashada si ay u xushaan qofka ka shaqeyn kara waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxaa goobaha codbixinta lagu arkayaa ciidamo badan oo ilaalinaya dadka codkooda dhiibanaya iyo sanaadiiqda oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan weerarro galaafan kara nolosha Dadkaas codeynaya.

Kor joogto caalami ah ayaa tagay goobaha la dhigay sanaadiiqda codbixinta si ay u arkaan sida ay u dhaceyso Doorashada ugana warbixiyaan marka ay soo dhammaato sida ay sheegeen xubno katirsan guddiga maamulaya Doorashadaas.

Qalalaasaha ka jira Dalkaan Chad waxaa ku naf waayay dad uu jiro Madaxweynihii hore ee Dalkaas Idiris Deby, feejignaan xooggan ayaa laga muujiyay kooxaha hubeysan ee weerarrada halista ah ka geysan kara Dalkaan.

WARARKA