Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Masuuliyiinta Caasimada Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida Jigjiga ayaa soo saaray go’aanno kala duwan oo saamaynaya hablaha xaafadaha ka shaqeeya, kuwaas oo markii hore hab aan sharciyo dawli ahi jirin u shaqayn jiray.
Maayarka Jigjiga Eng Shaafi Axmed ayaa sheegay in qodobbadan ay soo saareen sababta keentay ay tahay wax la xidhiidha faydhawrka caafimaad ee bulshada.
Eng Shaafi ayaa sheegay in ay doonay in maadaama magaaladii sii baahayso dad aad u bandanna soo degayaan ay lagama maarmaan noqotay in ay dabagal iyo horumarin ku sameeyaan caafimaadka magaalada.
“Shantii sano oo la soo dhaafay waxaa hormarin ballaadhan ka jiraa habka magaalada Jigjiga, taas annagoo ka duulayna waxaa la soo saaray shuruucda shaaqaalaha gudaha” ayuu BBC-da u sheegay Maayarka magaalada Jigjiga.
Shuruucda Shaqaalaha Gudaha ee maamulku soo saaray ayaa saamaynaya guud ahaan dadka shaqeeya, hadday dhinacyada kala duwan ee bulshada sida shaqaalaha dhismaha iyo kuwo guryaha ka shaqeeya, sida uu sheegay maayarka magaalada Jigjiga.
Magaalada Jigjiga muddooyinkii u danbeeyey waxaa la arkayey dad badan oo aan Soomaali ahayn kuwaas oo ka yimaadda killallada kale ee Itoobbiya, oo ka shaqaynaya goobaha guud ee hadday ganacsiyada gaarka ah iyo sida oo kale guryahaba.
“Maadaama dadku ku soo badanayaan magaalada waxaan u baahannahay in aan hubinno xaaladda caafimaadkooda, maadaama aannu la kulanno kiisas hawlahaa khuseeya iyo cabsida ay dadku ka qabi karaan. Markaa arrintani waxa ay keenaysaa in qofku ku kalsoonaado caafimaadka qofka shaqaalaha ah” ayuu Eng Shaafi u sheegay BBC-da.
Go’aankan ay dawladdu soo saartay ayaa ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo saamaynaya laga bilaabo maanta dhammaan dadka shaqeeya iyo qof kasta oo shaqo doon ah.
Amarkan ayaana saamaynaya dadka ganacsatada ah ama qofka qoranaya qofka shaqaalaha ah.
Qodobbada dawladdu soo saartay ayaa ay ka mid yihiin in qofku marka la shaqaalaysiinayo waa in uu haysato warqad caafimaad ah ioo caddaynayasa in ayna qabin xanuunnada faafa sida HIV / AIDS & Cagaarshowga (Hepatitis)
Sida oo kale in ay haystaan dammaanad rasmi ah.
Magaalada Jigjiga ayaa ah caasimadda Dawlad Deegaanka Soomaalida taas oo uu u muuqatay sannadihii danbeeyey magaalo uu ku socdo korriin xawli ah.
BBC-da ayaa go’aankan cusub ee shaqaalaha saamaynaya in dadka qaar u arki karaan takoor weydiisay maayarka magaalada Jigjiga.
Maayarka ayaana sheegay in aanay taasi suuragal ahayn maadaama go’aankani saamaynayo shaqaalaha kala duwan, hadday tahay Soomaalida iyo qoomiyadaha kale ee ka shaqeeya magaalada Jigjiga.
“Guud ahaan horta qoomiyad gaar ah lama Baaro, qof diin gaara haystana lama baaraayo , sida oo kalena qofka soo galootiga ah oo keliya lama Baaraayo. Taas waxa ay na tusaysaa in qof gaar ah iyo qoomiyad gaar ah aan la baareeyn .
Dadkana annagu ma soo qabqabanayno ee qofka shaqaalaha ayaa looga baahan yahay si u shaqo u helo in uu warqaddaas haysto” ayuu yidhi eng Shaafi oo ah maayarka Magaalada Jigjiga.
Dadka ganacsatada ah ee ama loo shaqeeyaha ah ayaa lagu amray in ay u hoggaansamaan go’aammadan ciddii ku dhaqmi weyda ama lagu helo in ay jebiyeenna ay la kulmi doonaan ciqaabo iyo ganaax kala duwan.
Xigasho BBC