Sabti 28, Dec 2024 {HMC} La-taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee amniga qaranka , Xuseen Macallin ayaa sheegay in aysan jirin wax go’aan kama dambeys ah oo laga gaaray dalalka ka mid noqonaya hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya lee dahay sharciyadda go’aan ka gaarista dalalka kamid noqonaya hawlgalka cusub ee Nabad-ilaalinta ee Soomaaliya ee AUSSOM kaasi oo bilaaban doona dhammaadka sannadkani.
“Dowladda Soomaaliya waxay leedahay sharciyada ay ku go’aamiso dalalka ka qaybgalaya howlgalka AUSSOM… Go’aanka ayaa dhawaan lagu dhawaaqi doonaa, isagoo la waafajinayo mudnaanta qarankeenna— ruuxda baaqa Ankara waa mid xooggan oo weli nool” ayuu yiri Xuseen Macallin.
Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu si rasmi ah u ansixiyay hawlgalka cusub ee taageerrada iyo xasillinta Midowg Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) oo beddelaya hawlgalkii hore ee ATMIS.
Qaraarka, oo ay soo diyaarisay Boqortooyada Ingiriiska, waxaa oggolaaday 14 xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka, halka uu ka aamusay Mareykanka oo shir-guddoominayay Fadhiga sababo la xiriira walaacyo ku saabsan Maalgelinta.