spot_imgspot_imgspot_img

DEG DEG: Dagaal culus oo ka socda gobolka Mudug

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Faah-faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dagaal xooggan oo goordhow ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda maamullada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socdo aagga deegaanka Jiicboor, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu kusii fidayo goobo horleh, isla-markaana ay jiraan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisi ka dhashay dhul oo u dhexeeyo labada beeleed ku wada dagaalamaya halkaais.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yeshay dadka deegaanka.

WARARKA