spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Uganda oo la qorsheynayo in lagu wareejiyo Saldhigyada ay joogaan kuwa Itoobiya

Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in howlgalka cusub ee AUSSOM la dejiyay qorshaha cusub ee la xiriira in saldhigyada ay joogaan Ciidamada Itoobiya lagu baddeli doonno kuwa ka socda Dalka Uganda gaar ahaan Gobollada Gedo, Baay & Bakool.

Uganda ayaa door firfircoon ku yeelatay howlgalkaan oo waxa ay fursad u heleysaa in ay kusoo biiriso askar cusub oo gaaraya 7,000 sida ku xusan saami qaybsiga ciidamadaan lagu sameeyay Dalalka howlgalka AUSSOM qaybta ka noqonaya.

Itoobiya ayaa fadhiga Golaha Ammaanka waxa ay ka dhex sheegtay in Amniga Soomaaliya ay qasayso Masar oo xiisad adag oo dhinaca Biyaha Nile kala dhaxeyso, Qaahira oo qayb ka noqoneysa howlgalka AUSSOM ayay Addis Ababa uga sii afaafatay Golahaan hortiisa.

Uganda ayaa loo arkaa in ay buuxin karto booska Ciidamada Itoobiyaanka ah ay ka joogaan Gobollada Dalka sidaas awgeed waxaa loogu caleemo saarayaa sidii ay u tagi lahayd deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Askartii ugu horreysay ee howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya loosoo diray waxaa ku deeqday Dowladda Uganda sanadkii 2007dii xiligaas oo ciidanka Itoobiya ay gudaha usoo galeen Dalka iyaga oo ku dooday in ay garabsiinayeen Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd.

WARARKA